Uncategorized

UK oo ka qeyb qaadaneysa Olalaha Nadaafadda ee Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Xeebaha Soomaaliya oo ku wanaagsan Dalxiiska qaarkood waxaa yaala qashin waxyeelo ku reebay deegaanka iyo bilicda dhul-xeebeedka, waxaana hadda socda dalaalo qashinka looga sifeeynayo goobo ay ka mid tahay xeebta Jazeera.

Qashin ka dhashay Bacaha iyo Caagadaha ayaa dhibaato ku haya Xeebta Jazeera oo hadda dadaaladda nadaafaddu ka biloowdeen.

Dadaaladda oo maamulka Gobolka Banaadir uu horseed ka yahay ayaa hadda waxaa ku soo biiray Safaaradaha Dalalka Soomaaliya taageera oo ay ka mid tahay Safaaradda UK ee Soomaaliya.

Danjiraha UK ee Somaaliya David concar ayaa bartiisa twitter kusoo qoray in ay ka Qaybqaadanayaan Dadaaladda Bacaha Qasinka ah lagu ciribtirayo ee Xeebta deegaanka Jazeera.

“Xeebta bilicda leh ee Muqdisho waxaa saameeyay Qashin, waan ku faaneeynaa in aan saaxiibada kusoo biirno” ayuu yiri Safiirka UK ee Somaaliya.

Xarumo muhiim ah oo ku yaala muqdisho ayuu qashinku dahaaray quruxdii ay lahayeen, olole dhawaan uu maamulka Gobolka banaadir biloowday ayaa u muuqda in uu wax ka badali karo xaaladda jirta, haddii uusan hakan.