Somali News

UK oo ku doodaysa in aanan dib loo dhigin waqtiga ka bixitaanka Midowga Yurub.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa madaxwaynaha Gudiga Midowga Yurub u sheegaya maanta oo Isniin ah in aanan dib looga dhaceenin waqtiga kama adambeesta ah ee UK loo qabtay in ay kaga baxdo Midowgaasi, taas oo ah 31’ka bisha October.

Kulanka ay labada masuul ku yeelanayaan wadanka Luxembourg ayaa noqon doona kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Johnson yimid xafiiska bishii July.

Aqalka looga arimiyo dalka Britain ayaa sheegay in Mr Johnson uu doonayo in uu bad baadiyo heshiiska marka lagaaro 18’ka bisha October.

Aqalka Downing Street ayaana intaasi raaciyay in hadii aysan taasi suura galin uusan aqbali doonin Ra’iisul Wasaaraha heshiis walba oo loosoo jeediyo, iyo in uu Midowga Yurub kaga baxayo iyadoona lagaarin wax heshiis ah.

Xilibaanada Britain aya meel mariyay sharci ku qasbaya Ra’iisul Wasaaraha in uu waydiisto Midowga Yurub waqti dheeraad ah.