Somali News

UK oo laga diiwaan geliyay in ka badan 10,000 kun oo kiis

Muqdisho-KNN-Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in dalkaasi laga diiwaan galiyay in kabadan 10,000 oo kiis oo xaaladaha cusub ee xanuunka Covid-19 ah.

Tirada kiisaska cusub ayaa gaartay 12,872 kiis, halka dadka xanuunka u dhintay 28’kii maalin ee ugu danbeeyayna ay gaareen 49 ruux.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in xaaladan aysan saamayn ku lahayn natiijiiyoonkii ugu danbeeyay ee dadka laga helay xanuunka.

Wadanka UK ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa kusoo laba kacleeyay kiisaska xanuunka Covid-19. Iyadoona ay jiraan wadamo kale oo qaaradda Yurub ku yaalo oo iyagana ku dhuftay moojad labaad oo xanuunka ah.