Somali News

UK oo qabatay Markab shidaal oo ay leedahay Iiraan.

Muqdisho-KNN-Ciidanka Ilaalada bada ee Britain ayaa ku qabtay xeebta Gibraltar markab shidaal oo laga leeyahay dalka Iiraan oo ku sii jeeday wadanka Suuriya.

Markabka Grace 1 ayaa xilli hore  ah lagu qabtay aaga doomaha ay Isticmaalaan ee xeebaha UK una dhow xeebta koonfureed ee Spain.

Dowlada Iiraan ayaa u yeertay Safiirka Britian u fadhiya magaalada Tehran si wax looga weydiiyo talaabada sharci darada ah ee lagu qabtay Markabkaan.

Arintaan ayaa dhanka waxaa xaqiijiyay afhayeenka wasaarada arimaha dibeda Iiraan Cabaas Musavi.

Talaabadaan ayaa Khilaaf ka dhex abuuri karta wadamada reer Yurub iyo Iiraan.

Dowlada Spain ayaa dhankeeda sheegtay in Markabka shidaal ee Iiraan lagu qabtay codsi kaga yimid Mareykanka..