Somali News

UK oo u yeeratay safiirkeeda Belarus xilli ay ka sii dareyso xaaladda dalkaas

Muqdisho-KNN-Boqortooyada UK ayaa si kumeel gaar ah ugu yeeratay safiirkeeda wadanka Belarus waqti ay sii kordheyso xiisada siyaasadeed ee ka taagan wadankaasi.

Mas’uuliyiinta wadanka Belarus ayaa sheegaya in ay ka hor tageen dibadbaxyada looga soo horjeedo madaxwaynaha dalkaas.

Madaxweyne Alexander Lukashenko, ayaa lagu eedeeyay in uu ku shubtay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii August ee sanadkan.

Dowladda Britain ayaana kamid ah dowladaha si adag uga hor yimid doorashadaasi.