Sports

Umititi oo Diiday in uu ka hadlo Doonista uga imaaneeysa Manchester United

Muqdisho-KNN-Daafaca Barcelona Samuel Umtiti ayaa diiday inuu ka hadlo  suurtogalnimada inuu ku biirayo Manchester United xagaaga soo aadan.

24 jirkaan ayaa haatan  qandaraas  kula jira hogaamiyayaasha La Liga, taasoo la fahamsan yahay inay xiiseyneyso Manchester United.

Jose Mourinho ayaa la aaminsan yahay inuu qorsheynayo inuu dib u dhis ku sameeyo daafaca kooxda manchester xagaaga soo aadan, waxaana uuna yahy Umtiti mid ka mid ah bartilmaameedkiisa ugu sarreeya, isagoo isha ku haya farqiga u dhaxeeya kooxada ay xafiiltamaan ee Manchester City.

Wargeyska  Sport ayaa sheegaya in Umtiti laga yaabo inuu ku biiro Old Trafford, waxaana United ay dooneysaa inay u soo bandhigto mishaar waali ah, xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska.

Mar su’aal lagu waydiiyay asagoo ka qayb qaadanaya warbaahinta Faransiiska ee Telefoot, Umtiti wuxuu doortay inuu jawaab ka bixiyo wadahadalada qandaraaskiisa iyo hadii uu u saxiixi lahaa United.

Umtiti, oo ka mid ah xiddigaha ugu fiicn ee Barcelona xilli ciyaareedkan, ayaa haatan qandaraaskiisa  Camp Nou gaarsiisanyhy ilaa 2021.