Muqdisho-KNN-Unai Emery ayaa carabka ku adkeeyay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka koozdiisa Arsenal inkastoo kooxdiisa ay guuldarro 3-2 ah kasoo gaartay kulankii kooxda West London.
Pedro ayaa hogaanka u dhiibay Blues ka dib sagaal daqiiqo oo ay ciyaartu socotay kulankii Stamford Bridge iyadoo uu Alvaro Morata daqiiqadii 20aad ciyaarta uu ka dhigay 2:0.
Arsenal ayaa soo laabatay qaybtii hore ee ciyaarta inta aan nasiinada lakala aadin Henrikh Mkhitaryan iyo Alex Iwobi ayaana shabaqa soo taabteen afar daqiiqo gudaheed, laakiin ciyaarta ugu danbeen waxaa xaliyay Marcos Alonso daqiiqadii 81aad ee ciyaarta.
Emery wuxuu u sheegay BT Sport: “Tani waxa ay tahay mar walba waddadaguusha mid kuu tusisa iyadoo ay iska cadahy inaan qasaarinay fursado badan.
Arsenal ayaa ku soo laaban doonta garoonkeeda Sabtida soo socota iyadoo ay garoonkeeda kula ciyaareyso West Ham United.