Sports

Unai Emery oo helay kalsoonida madaxda Paris Saint-Germain.

Muqdisho-KNN-Unai Emery ayaa la helay kalsoonida madaxweynaha Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi si uu usii leeliyo kooxda BSG..

Ka dib markii PSG ay ku guuldareysatay inay soo dhaafto wareega 16ka Champions League, waxa la hadal hayay in macalinkii hore Sevilla inlaga yaabo inuu albaabka ka baxo xagaaga soo aadan.

Jose Mourinho iyo Antonio Conte ayaa lala xiriirinayay inay kaqabanayaa shaqada macalinimo ee kooxda PSG, laakiin Al-Khelaifi ayaa u dhaqaaqay inuu biyo qabow ku shuboarinkaas ka dib markii Sabtidii ay guul ka gaareen Monaco.

“Unai waa macalinkeena,” Al-Khelaifi ayaa sidaasi u sheegay Sky Sports News. “Waxaan taageersanahay Unai, maalin kasta, waxaan arkayaa magacyada qoran ee ka dambeeya Unai, hase yeeshee, isagu waa tababaraheena, kooxda oo dhan waa ay ka dambeysaa.

“Waxaan u maleynayaa guusha caawa inay aheyd ciyaar fiican, bandhig wanaagsan oo kubada cagta Faransiiska ah, aad ayaan u fiicneyn, waxaan dhalin karnaa goolal badan, lakiin waan ku faraxsanahay guusha”

PSG ayaa ku soo laabaneysa jimcaha iyadoo la ciyaari doonta kulan Ligue 1 ah kooxda Saint-Etienne.

 

by Aadam Yusuf Ahmed Aqayaar