Somali News

Urur Gobaleedka IGAD oo Fariin u dirtay Puntland.

Muqdisho-KNN-Urur Goboleedka IGAD ayaa soo saaray dalab ay u direen Madaxaweynaha Cusub ee Puntland Saaciid Cabdullaahi Dani kadib markii uu shalay ku guuleystay doorashadii Garoowe ka qabsoontay.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cali Guyow ayaa sheegay in marka hore ay u hambalyeynayaan Saciid Dani oo loo doortay madaxweynaha Cusub ee Puntalnd ayna bogaadinayaan madaxweynihii ka horeeyay Cabdi wali Maxamed Cali Gaas.

Waxaa uu wakiilka Muujiyay in ay madaxweynaha cusub ku qabaan Kalsooni buuxda oo ku aadan inuu la yimaado siyaasad fur furan.

Waxaa ay IGAD ka dalbatay Saciid Cabdullahi Dani inuu wada shaqeyn dhaw la yeesho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.