Gaalkacyo-KNN-Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo Colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobalka Mudug ee u dhaxeyso Galmudug iyo Puntland taas oo saameysay Guud ahaan deegaanka.
Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in Labada dhinac ay Cadaadis ku saarto sidii loo dhaqan gilin lahaa heshiisyadii ugu dambeeyay oo ay Labada dhinaca galeyn ee Galmudug iyo Puntland.
War saxaafadeed ka soo baxay IGAD ayaa loo baaqay Beesha Calamka in ay ka qeyb qaadato xal u helidda Colaadda Gaalkacyo iyo sidii loo dhaqan gilin lahaa heshiisyadii ka dhacay Magaalada.
Sidoo kale IGAd ayaa balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulada Puntland iyo Galmudug sidii xal waara looga gaaro xiisaddaha inta badan ka dhacda gobolka Mudug ee u dhaxeeyay beelaha kasoo kala jeedda Puntland iyo Galmudug.
Gaalkacyo ayaa ah Magaalo colaadeed waxaana ku soo laab laabtay Dagaal muddo dheer halkaas ka socday.
Maalmihii la soo dhaafay inkastoo magaalada ay daganeyd ayaa hadane waxaa wali taagan xiisad labada dhinac u dhaxeysa.