Uncategorized

Urur goboleedka IGAD oo sheegtay in markale Duufaano ay ku soo wajahan yihiin Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Urur goboleedka IGAD ayaa markale ka digaya Duufo xoogan oo ay sheegeen in ay ku wajahan tahay Xeebaha bari ee Soomaaliya.

Digniintaan ayaa ka soo baxday xarunta saadaasha ee Urur goboleedka IGAD ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana dadka Soomaaliyeed ugu baaqeyn saameyn ka dhalata Duufaantaasi.

Duufaantan oo lagu Magacaabo Mekuku, ayaa la sheegayaa inay ku fool leedahay jihada waqooyi iyo dhulka sare ee Dalka Yemen oo lagu wado inay gaarto 26-ka Bishan oo ah Berri.

Duufaantan oo ay qayb ka mid ihi la socdaan daruuro iyo Roob ayaa lagu wadaa inay ku dhuftaan Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Bariga deegaanada maamulka Puntland.

Roobabka ka dhasha Duufaanta iyo Dabaylaha la saadaaliyay inay ka da’ayaan Bariga Soomaaliya 25-ka illaa 27-ka Bishan ayaa la qiyaasadayaa in wadarta Biyaha uu dhigayo ay noqon doonaan in ka yar 30 mm.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Duufaanta Sagar oo wadatay Roob iyo dabaylo xooggan ay ku dhufteen qaybo ka mid ah Puntland iyo Soomaaliland, halkaasoo ay dhasheen qasaara Naf iyo maalba leh.