Addis Ababa-KNN-Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay xubno ka mid ah urur la magac baxay Islamic State Center oo xiriir la leh Al-Shabaab.
Maxamed Rashaad oo ka mid ah hoggaanka ururkan ayaa warbaahinta OBN u sheegay in ururkoodu uu la dhacsan yahay fikradda Daacish iyo ururrada kale sida Al-Shabaab.
“Xeer ahaan iyo fikir ahaanba iyaga ayaa aannu la mid nahay,” ayaa laga soo xigtay Maxamed Rashaad oo ka mid ah hoggaanka ururkan Islamic State Center ee laga aas-aasay gudaha dalka Itoobiya.
Dowladda Itoobiya Al-Shabaab ayey ku eedeysay in ay tababarro siiyeen ururkan, waxaana jira taageero dhaqaale oo ay dibadda ka helaan, sida lagu shaaciyey xogta laga bixiyey ururkaas.
Ujeedada ururka oo laga aasaasay Gobolka Baale ee Oromiya waxa lagu sheegay in ay rabaan in talada dalka ay xoog ku hantaan.
Warka dowladda waxaa lagu yiri, “Waxay dadka ku dhiirigelinayaan in la diido cashuurta ay ka qaado dawladdu.”
Xubnaha ururka ee la soo dhandhigay oo gaaraya ku dhawaad 25-qof ayaa waxaa la sheegay inay isticmaalayaan magacyo carbeed.



