Uncategorized

Ururada Xamaas iyo Fatax oo sheegay in ay heshiis gaareen.

Muqdisho-KNN-Ururuka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ay heshiis la gaareen ururka Fatax ee ay is hayeen, arrintaas oo soo afjaraysa is maandhaaf toban sano soo taagnaa.

Xamaas oo maamusha marinka Qaza ayaa sheegtay in faahfaahinta heshiiska la baahin doona galinka dambe ee Khamiista, Fataxse wali arrintan kama hadlin.

Masar ayaa labadan garab ku dhexdhexaadinaysa wadahadallo ka dhacay magaalada Qaahira.

Falastiiniyiinta ku kala nool marinka Qaza iyo Daanta Galbeed ayaa la kala maamulayay tan iyo markii ay labadan kooxood dagaalameen 2007dii.

Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ee HPIS ayaa shaacisay go’aankan, waxayna itaas ku dartay in faahfaahinta lagu sheegi doono shir jaraa’id oo ka dhici doona magaalada Qaahira maanta duhurkii.

Sami Abu Zuhri oo ah afhayeen u hadlay Xamaas Arbacadii ayaa sheegay in wadahadallada Qaaahiro ay yihiin “kuwo ay ka go’aansho ka ka muuqato oo qoto dheer”.

Bishii hore ayay Xamaas ogolaatay in ay kala dirto guddiga maamula Qaza.

Tallaabadaas ayaa ahayd dalabka ugu wayn ee madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas oo Fatax-da uu ka tirsan yahay ay maamusho Marinka Qaza inta badanna gacanta ku haya maamulka Falastiiniyiinta.

Ra’iisulwasaaraha Rami Hamdallah ayaa markaas ka dibna safar naadir ah ku tagay magaalada Qaahira.

Wuxuu sheegay in maamulka Falastiin uu billaabi doono la wareegiidda maamulidda Qaza iyo “masuuliyadda ammaankeedaba”

Israa’iil, Maraykanka, Midawga Yurub, UK iyo quwado kalaba waxay argagixio u aqoonsadeen guud ahaan Xamaas iyo garabkeeda hubaysan.

 

Xigasho BBC