Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 10 Askari oo booliis ah ayaa lagu dilay Dalka Afganistaan kadib Dagaal ay Ururka Taalibaan kula galeen bartamaha bartamaha afganistaan Gobolka dhaca ee Wardark loo yaqaano, sida ay warisay Reuters oo soo xiganeeysa Saraakiil Dowladadeed.
Ciidanka iyo taalibaan ayaa waxaa ay ku dirirayeen gacan ku heeynta Waddo muhiim ah maalin kadib markii Dagaalame ka tirsan Taalibaaan uu isku qarxiyay Buundo ay marto wadada lagu dagaalamay.
Ururka Taalibaan oo qabsaday Degmo Sayid Cabaad lagu magacaabo oo gobolka Wardak katirsan ayaa gubay dhismooyin Dowladdu leeddahay waxayna dileen Taliyihii Booliiska iyo Sagaal Askari, sida ay sheegeen Saraakiil sare oo Booliis ah.
Wadada uu dagaalku ka dhacay ayaa waxaa ay muhiim u tahay gacan ku heeynta Magaaladda Ghazni oo Bil ka hor ururka taalibaan ay isku dayeen in ay Qabsadaan Laakiin ciidanka Dowladdu ay difaacdeen.


