Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Taliban ayaa dilay ugu yaraan 14 xubin oo ay taageero dowladda Afghanistan maanta oo Arbaca ah sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda.
Weerarkaas oo ka dhacay galbeedka gobolka Heart ayaa Masuuliyiinta dowladda Afghanistan sheegeen in sidoo kale dhawr ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.
Abdul Ahad Walizada, oo ah afhayeenka booliska gobolka aya sheegay in 14’ka ruux ay dhinteen kadib markii dagaalamyaal badan oo ka tirsan Taliban ay soo weerareen bar koontalool oo ay sugnaayeen.
“Ugu yaraan sagaal ruux oo kale ayaa weerarka ku dhaawacmay, ciidamada xooga dowladda Afghanistan ayaana ku guulaystay in ay dib u celiyaan dagaalamayaasha Taliban” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Walizada.
Ururka Taliban ayaanan wali ka hadlin sheegashada weerarkan.
Masuuliyiinta Mareykanka iyo ururka Taliban ku matalaya wadahadalada ka soconaya dalka Qatar ayaana sheegay in ay ku dhaw yihiin in ay gaaraan heshiis kadib bilooyin ay wadahadalo u socdeen.