Ergooyinka kasocda kooxda Taliban kuna sugan dalka Pakistan ayaa kulan ay layeesheen masuuliyiinta dowladda Pakistan waxa ay si wadajir ah ugu baaqeen in dib loosoo celiyo wadahadaladii ay ururku kula jireen dowladda Mareykanka.
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanadkii aynu kasoo gudubnay iskaga baxay heshiiskii ku dhawaad sanad kasoconayay caasimada dalka Qatar.
Heshiiskan oo ujeedkiisu ahaa soo afjarida colaada 18 sano jirsatay ee dalka Afghanistan balse Trump ayaa heshiiskaasi ka baxay kadib markii Taliban ay caasimada Kabul ka geesatay weerar uu ku dhintay mid kamid ah askarta Mareykanka.
“Labada dhinac waxa ay isku afgarteen in dib loosoo celiyo hanaankii nabadda” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda Pakistan kadib kulan ay magaalada Islamabad kula qaateen ergada kasotay kooxda Taliban.
Safaadaradda Mareykanka uu ku leeyahay dalka Pakistan ayaana war kasoo saarin codsiga kayimid kooxda Taliban ee ah in dib loosoo celiyo wadahadaladii nabadda.