Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in jabhadda (TPLF) ay maalinta sabtida ah ay soo dhiibi doonto hubkeeda culculus, kadib wada hadalo dhex maray madaxda sare ee ciidamada Itoobiya iyo taliska TPLF.
Ambassador Bacha Debele, ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal lasoo dhigay barta Youtube-ka.
“Marka laga hadlayo dhiibista hubka culus, waxay ahayd inay [TPLF] soo dhiibaan 17-kii Nofembar, laakiin taasi ma aysan dhaqan gelin, laakiin hadda waxaa la go’aamiyay inay soo dhiibaan 3-da December,” ayuu yiri.
Bacha ayaa sheegay in taliyeyaasha goobuhu ay “kulmaan maalin walba” si ay uga wada hadlaan habka hub ka dhigista, iyo dagaal yahanada kooxda TPLF la isugu keeno goobo cayiman.