Somali News

Ururka Xamaas oo Madaafiic ku weeraray Isra’iil

Muqdisho-KNN-Xoogagga Xamaas ee ku sugan marinka Gaza ayaa Isra’iil ku riday in ka badan 200 oo gantaal, sida ay ciidanku sheegeen waxayma Ciidanka Isra’iil balabqaadeen in ay Diyaaradaha dagaalka iyo Taangiyaddu weerar qaadi doonaan.

Sedex qof oo Yahuud ah ayaa ku dhaawacmay Gantaaladda Xamaas, halka gantaalo ay Israa’iil ridayna ay ku dhinteen Afar qof oo falastiiniyiin ah, oo ay ka mid yihiin hooyo iyo gabadheed.

Sikastaba Isra’iil waxaa ay sheegtay in gantaal ay rideen Xamaas oo gaariwaayay bartilmaameedkiisii uu dilay hooyo iyo cunugeedii.

Weerarkaani waxaa uu soo gabangabeeyay Xabad joojin la gaaray markii la galay Doorashaddii April ee israa’il.

Afar qof oo Falastiin u dhashay ayaa sidoo kale Jimcihii waxaa dilay Ciidanka Yahuudda, weerarkaasna waxaa Yahuudda uga dhaawacmay Labo Askari.

Waxaa laga cabsi qabaa in diyaarada Israa’iil ay dad badan oo aan waxaba galabsan baabi’iyaan.