Muqdisho-KNN-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta laga bilaabay in madaxda iyo dadka kale soo galaya laga baaro cudurka Coronavirus, kaas oo shalay wasaaradda cafimaadka Soomaliya ay sheegtay in kiiskii ugu horiyey laga helay muwaadin Soomaliyeed oo Muqdisho ku sugan.
Madaxda saakay xanuunkaas laga baaray markii ay galayeen madaxtooyada waxaa ka mida ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad.
Guddoomiye Cawad oo ka hadlay baaritaankaas uu maray ayaa waxa uu yiri, “Waxaan codsanaynaa in goob walba oo la isugu yimaado laga baaro shacabka cudurka Coronavirus. Waxaan dhiirigalinayaa qof walba in uu u hoggaansamo, waliba shakhsigu raadsado in la baaro”.
Sidoo kale guddoomiye Cawad oo qof kasta ku dhiira gelinayey in uu is baaro ayaa yiri, “Villa Hargeysa qof aan la baarin ma soo galayo, anigu waan is baaray maanta, muwaadin is baar”.
Cudurka Coronavirus ayaa si degdeg ah ugu faafay dunida, waxuuna sababay in la hakiyo inta badan isku socodkii dunida, waxuuna sameyn dhan walba leh ku yeeshay shucuubta calamka iyo dhaqaalahooda.