Uncategorized

W/amniga oo war ka soo saartay amniga Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wasaarada amniga xukumada fedraalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay in ciidamada xasilinta ay ka guureen Isgoysyada Muqdisho qaarkood, balse uu jiro qorshe loogu habeynayo ciidamada si ay amaan ka u sii xoojiyaan.

Qoraalka ayaa Shacabka Soomaaliyeed looga dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada amaanka ee howlgalada ka wada caasimada.

War Saxaafadeedkan ayaa loogu baaqay ciidamada inay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ula dhaqmaan si ay ku jirto xaqdhowrid, ixtiraam iyo u dhimrin.

Warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay wasaarada amniga xukumada fedraalka soomaaliya ayaa imaanaya xili uu soo baxay in isbadal lagu sameeyay ciidamadii ku howlanaa sugida amniga Muqdisho.

Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay wasaarada amniga.