Muqdisho-KNN-Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya uu ka furmo shir ay yeelanayaan Wasiirada arimaha dibada ee dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, shirkaan ayaa xubnahaan waxa ay diirada ku saaridoonaan Malaayiin Qaxooti ah oo ku dhibaateysan qaar ka mid ah wadamada Afrika oo Kenyaba ay ka midtahay iyo qorshayaal kale oo leysku soo qaadidoono, inkastoo muhiimada ay siindoonaan xaalada qaxootiga.
Dadlka Kenya ayaa ka mid ah wadamada ay ku dhibaateysan yihiin malaayiin Qaxooti ah oo soomaali ah kuwaas oo la kulma dhibaatooyin fara badan, waxaana hadda la filayaan shirkaan ay ka soo baxaan qodobo cad oo qeexaya sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo qaxootigaasi sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD.
Sidoo kale Urur Goboleedka IGAD waxa ay cadeeyeen in xubnahaan Wasiirada ah ee maanta ku shiraya Magaalada Nairobi ay soo saari doonaan Qodobo kheexaya habka loo samata bixin kara Qaxootiga ku dhibaateysan Wadamada dhaca Geeska Afrika.
Soomaaliya ayaa shirkaan waxaa ugu qeyb galaya xubno ka socda wasaarada arimaha dibada ee xukumada Soomaaliya inkastoo aan la shaacinin Magacyada xubnahaas ee Soomaaliya ku matalaya shirka maanta ka furmaya Magaalada Nairobi.