Somali News

W/Arimaha Dibadda Itoobiya oo ka hadashay Xaalka Jigjiga

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa waxa looga hadlay Xaaladda Magaalada Jigjiga oo tan Maalinimadii Shalay aheed ay ku jirtay Xaalad aanan wanaagsaneen.

Warka Wasaaradda ayaa waxaa lagu Sheegay in uu socdo nidaam guud oo isbadal ah, isbadalkaana inuu Muhiim uyahay Itoobiya ayaa lagu tilmaamay.

Qoraalkan  ayaa lagu Cadeeyay  In Ciidanka Federaalka Itoobiya ay diyaar uyihiin in ay Shacabka la shaqeeyaa waxa lagu tilmaamay meelaha aan ka taaganyihiin dhaq dhaqaaqyada Sharci darrada ah.

Warkan laguma sheegin waxa ay yihiin dhaq-dhaqaaqyadda sharcidaradda ah ee Ciidamaddu ka hortagayaan iyo cidda wadda midna

Warar ay faafinayaan Warbaahinta Wadanka Ethiopia ayaa sheegaya in Gobollo kale oo ku yaala Itoobiya ay ka xumaadeen Tilaabadda ciidanka Itoobiya ay kula wareegeen Magaaladda jigjiga.

Xaaladda Guud ee Magaalada Jigjiga ayaa Saaka degan  Balse Magaaladu waxa ay ku jirtaa xaalad aan la sii saadaalin Karin, waxaana jirta dhiilo muujineeysa isbadal maamul inuu dhici karo.