Somali News

W/arimaha dibadda oo ka hadashay sababta Sucuudiga loo taageeray

Muqdisho-KNN-Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay waxyaabihii ku khasbay in ay meel dhexe ka istaagi weydo khilaafka udhaxeeya Sucuudiga Iyo Kanada oo ay dhinac uraacday.

War  qoraal ah oo Wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ay shalay soo saartay ayaa waxaa garab istaag loogu muujiyay Sucuudiga.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Bbc-da ayaa sheegay in sababta ay Sucuudiga  u taageereen ay aheed in faragalin lagu sameeyay arimahooda gudaha, oo si lamid ahna ay garab istaag umuujin lahaayeen Kanada haddii faragalin ay la kulmi laheyd.

Taageerada dowladda Soomaaliya ay umuujisay Sucuudiga ayaa waxa ay kusoo aadeysaa, iyada oo maalinimadii shalay aheyd ay Sucuudigu dib usoo celiyeen markab siday ku dhawaad 30,000 oo neef oo ari ah, oo Soomaalidu leedahay.