Uncategorized

W/Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya”waxaan qiimeyn doonaa hanaanka dhismo ee Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb-KNN-Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Eng: Saadaq C/laahi Cabdi ayaa Maanta  gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey masuuliin katirsan Dawlad Goboleedka Galmudug, Waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Eng: Saadaq C/lahi Cabdi Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya oo kawarbixiyey Socdaalkiisa ayaa xusay in qiimeyn lagu sameyn doono hanaanka dhismo ee magaalada Dhuusamareeb oo ay ku yaalaan xarumo badan oo ay laheyd dowladii dhexe ee dalka, sidoo kalena uu xoojin doono xiriirka wasaaradda howlaha guud iyo Galmudug.

Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Eng: Saadaq C/laahi Cabdi ayaa maalmihii dambe ku jiray safaro uu ku tagayay qaar ka mid ah maamul goboleedyada, wuxuuna horay u tagay magaalada Garowe ee xarunta Puntland, maantana wuxuu gaaray magaalada dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doona madaxda dowlad goboleedka Galmudug oo ay ka wada hadli doonaan arrimo kala wadan.