Sports

Waa kuma daafaca ay dooneyso Arsenal?

Muqdisho-KNN-Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay isku daydo saxiixa daafaca reer Croatia ciyaaryahan Domagoj Vida ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga Egland xirmin caawa.

29 jirkaan ayaa qaab ciyaareed loo riyaaqay ku soo bandhigay ​​Koobkii Adduunka ee xagaagaan, isagoo ka caawiyay qarankiisa inay gaaraan tartankii aduunka halkaasoo ay ay guuldaro kala kulmeen Faransiiska.

Kooxaha Liverpool, Everton iyo Wolverhampton Wanderers ayaadhamaantood lala xiriirinayey inay u dhaqaaqaan helida daafacan, halka kooxda Besiktas la rumeysan yahay inay dooneyso inay ay ku fasaxdo qiimo dhan 22 milyan oo ginni.

Sida laga soo xigtay Football.london, Arsenal ayaa wadahadal la furtay kooxda Turkiga si ay ulasoo wareegto xidigan, waxaana ay ogolaatay inay bixiyaan qiimaha ciyaaryahankan.

Sidoo kale warkale ayaa soo warineya in madaxweynaha Besiktas Fikret Orman uu ku sugan yahay London maanta si uu heshiis ula gaaro arsrnal

Naadiga Besiktas ayuu January kusoo biiray xidivan isagoo si xor ah uga imaaday Dinamo Kiev.