Somali News

Waa kuma Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud?

Sanadkii 1955-kii ayuu Xasan Sheekh ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ee dalka Soomaaliya, haddana waa 66 ilaa 67 jir.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada uu kasoo jeedo, halka dugsiga sare iyo jaamacadda ku dhigtay magaalada Muqdisho, oo uu u wareegay.

Sanadkii 1981-kii ayuu ka qalan jebiyay kulliyadda tiknoolojiyadda ee Jaamacadda. Kaddib waxa uu heerka sare ee Jaamacad kusoo bartay waddanka Hindiya.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shaqaale ka noqday Wasaaradda Tacliinta ee Soomaaliya, isagoo macallin kasoo noqday iskuullo iyo Jaamacado.

Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare ah ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen wax baridda ama macalinnimada.

10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii la qabtay doorasho dadban.

Xasan waxa uu hoggaanka u qabtay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya laga hirgeliyay muddo 20 sano ah, taasoo aan ahayn Ku meel Gaar. Dowladihii ka horreeyay ee la dhisay kaddib 1991-kii waxay ahaayeen ku meel gaar.

Madaxweynihii ka horreeyay, Shariif Sheekh Axmed, oo sidoo kale u tartamayay xilka ayaa ugu hambalyeeyay guushiisa, waxa uuna ballan qaaday inuu la shaqayn doono.

Dowladdii Xasan Sheekh ayaa caan ku ahayd in ay kasoo dhex muuqdeen shaksiyaad siyaasadda ku cusbaa, waxaana loo yaqaannay “Damu Jadiid”.