Somali News

Waa kuma Masuulka ka tirisan Ukraine ee ku dhawaacmay dagaalka Ruushka iyo Ukraine?

Andriy Shevchyk, oo ah duqa magaalada Enerhodar ee uu Ruushka magacaabay, ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhaawacmay qarax.

Duqa magaaladan ee la doortay ee Dmytro Orlov oo uu Ruushka meesha ka eryay – oo hadda ku sugan meel u dhow Zaporizhzhia – ayaa kusoo qoray bartiisa Telegram in Shevchyk iyo ilaaladiisa loo qaaday isbitaalka ka dib markii ay dhaawacmeen.

Wuxuu intaas ku daray in aysan jirin cid kale oo wax ku noqotay qaraxa – isagoo soo sheegay in kani uu ahaa “weerar si toos ah isga un loola beegsaday”.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Ruushka.

Enerhodar, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 50,000 oo qof oo u adeegta warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ayaa waxaa qabsaday ciidamada Ruushka tan iyo bishii Maarso.