Somali News

Waa kuma musharixiinta u gudbay wareega seddexaad ee doorashada?.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) iyo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo la rumeysan yahay in labaduba ay ka tirsan yihiin xubnaha mucaaradka.

Khadiija Maxamed Diiriye oo heshay 21 cod ayaa u tanaasushay Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) halka Maxamedweli Cabdalle Axmed oo helay 59 cod uu isna u tanaasulay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar

Wareega Sedexaad waxaa ku tartamaya Xildhibaan Sacdiyo iyo Xildhibaan Caana Nuug labadoodana waxaa laga soo kala doortay Puntland iyo Jubbaland

Daqiiqado kadib ayay bilaaban doontaa tartanka doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka