Somali News

Waa kuma ninka lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo?

Gaalkacyo-KNN-Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa xalay lagu dilay nin shacab ahaa oo lagu magacaabi jiray Saciid Jaamac Maxamed, sida ay noo sheegeen ehelladiisa.

Marxuumka ayaa la dilay isagoo ku dhexjira masjidka Abuu Hurayra ee xaafadda Israac oo ku taalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska Puntland goorta dilku dhacay waa salaadii makhrib kadib.

Dilka marxuumkaas waxaa la sheegay inuu geystay nin dhallinyaro ah oo ku hubeysanaa bastoolad, kaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay ayaa loo garan ogaa Saciid Maradona waxuuna ahaa Taksiile caan ka ahaa magaalada sida ay ehelladiisu noo sheegeen, sidoo kale magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo ayuu badanaa isaga safri jiray.

Dilkiisa kadib ciidamada ammaanka Puntland ayaa xaafadaha waqooyi ee magaalada ka bilaabay howlgallo culus oo lagu baacsanayo qofkii geystay dilkaas, waxaana saakay la soo sheegayaa in howlgalladaasi ay weli ka socdaan xaafadaha waqooyi ee magaalada, balse lama shaacin cid lagu soo qabtay illaa hadda.