Sports

Waa kuma saxiixa xiga kooxda Ac milan?

Miqdisho-KNN-Sky Sport ayaa sbeegaysa in kooxda Ac Milan ay bixin doonto Carlos Bacca oo lagu daray €18 million si ay u hesho weeraryahanka Villarreal Samu Castillejo, laakiin ciyaaryahan Spanishka ah waxay kooxdu ku doonaysa 25m oo aan Bacca lagu darin.

23 jirkaan ayaa dhanka midig ee weerarka uga ciyaara kooxda Villareal, waxaana uu dhaliyay lix gool isagoo siddeed kale caawiye ka ahaa xili ciyaareedkii hore.

AC Milan ayaa haatan ku jirta inay kooxdeeda kusamayso is badal wayn maadama waayihii danbe ay hoos u dhac ku jirtay haatan kooxda dhanka suuqa waxaa si wadajir uga shaqaynaya Leonardo iyo Paolo Maldini .

Sida laga soo xigtay Gianluca Di Marzio Castillejo waa bartilmaameedka soo socda ee Rossoneri.