Somali News

Waa kuma shakhsiga loo wado Amiirka cusub ee Kuwait, kadib geeridii Sheekh Sabah?

Muqdisho-KNN-Nawaf Al-Ahmad Al-Sabah ayaa noqonayaa Amiirka cusub ee Wadanka Kuwait, kadib markii uu geeriyooday Amiirkii hore ee dalkaas maamulayey tan iyo sanadkii 2006-dii, markaas oo uu noqday Amiirkii wadanka Kuwait Sheekh Sabah.

Maanta oo Arbaaco ah ayaa waxaa lagu wadaa in Nawaf Al-Ahmad loo dhaariyo madaxtinimada dalka Kuwait, sida uu shaaciyey wasiirka cadaalada Boqortooyada Kuwait Sheekh Cali Jarrax.

Hogaamiyaha dhintay ayaa siweyn loogu xusuusanayaa in uu ahaa nin siyaasada arimaha Khaliijka ka ahaa dhex dhexaad, waxaana la tilmaamaa in uu ahaa nin wax badan ka bedelay siyaasadda arimaha dibadda ee dalkaas Kuwait.

Waxaana sida oo kale la filayaa in maalmaha soo socda Amiirka lagu aaso gudaha dalka Kuwait, iyadoo hadda la bilaabay isku duba ridka aaska marxuumka, waxaana geerida Amiirka tacsiyeeyey inta badan madaxda dalalka Muslimiinta ah.