Muqdisho-KNN-Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa u magacaabay James Swan in uu noqdo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya.
James Swan oo ah Diblumaasi u dhashay dalka Mareykanka ayaa maanta Soomaaliya loo soo magacaabay Lix bilood ka dib markii Dowladda Soomaaliya ay erisay wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay Nicholas Heysom.
Ka eryidii Heysom ee dalka ayaa timid ka dib markii uu su’aallo taabanayay madaxda qaranka ka keenay dad rayid ah oo lagu xasuuqay magaalada Baydhabo, intii lagu guda jiray doorashadii maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo sida muuqatay awood loo adeegsaday.
Ergayga cusub ee James Swan ayaa Oktoobar 2008 ilaa June 2011, waxaa uu ahaa Safiirka Mareykanka u qaabilsanaa dalka Jabuuti.
James ayaa la sheegay in uu yahay Diblomaasi ku xeel dheer arimaha Afrika waxaana Agoosto 2013-kii loo magacaabay Safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxaana la sheegay in sidoo kale uu kasoo shaqeeyay dalal badan oo dhaca qaradan Afrika.