Somali News Uncategorized

Waa maxay ujeedka Safarka Madaxweynaha Koofur Galbeed ee Itoobiya?

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu tagay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Lafta gareen inuu casuumaad ka helay madaxda dalka Itoobiya.

Dhawaan ayaa magaalada Baydhabo waxaa tagay saraakiil ka tirsan milateriga dowladda Itoobiya, kuwaasi oo halkaasi kulan looga hadlayay ka hortaga weerarada Al-shabaab ay kula yeesheen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed.

Kulanka ayaa la sheegay in isbedel lagu sameeyey taliska hoggaanka, iyadoo xaduudaha gobolada Baay iyo Bakool la geeyay ciidamo cusub oo ka tirsan milateriga Itoobiya.

Safarka uu madaxweyne Lafta gareen ku tagay dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka wadahadleen sidii ay Itoobiya iyo maamulka Koofur galbeed iska kaashan lahaayeen sugida amniga xuduuda gobolka Bakool uu la wadaago Itoobiya.

Sidoo kale waxaan la ogeyn qodobada kale ay ka hadli doonaan madaxweynaha Koofur galbeed iyo madaxda Itoobiya.