Somali News

Waa maxay ujeedka Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh ee dalka Ereteriya?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Waa safarkii saddexaad ee Madaxweyne Xasan Shiikh ugu amba baxo dibadda, hore waxaa uu aaday dalalka Imaaraadka Carabta iyo Turkiga.