Somali News

Waa sidde Saakay Xaalada Magaalada Baladweyne.

Muqdisho-KNN-Waxaa Saakay degan Xaalada Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kadib Markii uu shalay halkaasi gaaray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro Katirsan Maamulkaasi.

Madaxweynaha Iyo Wafdiga uu hogaaminayey ayaa xalay ku hoyday Xeradda lama galaay halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Isku socodka dadka iyo Gaadiidka ayaa saakay ah mid caadi ah waxaana dib loo furay Goobihii Ganacsigi, iyadoona la dhimay Ciidamaddi shalay lasoo dhoobay Wadooyinka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doono siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada sida ka shegay khudbad uu shalay ka jeediyay Goob lagu doo dhaweeynayay.