Somali News

Waa Side Nolasha Maxaabiista xabisyada Beladweyne ?.

Beladweyne-KNN-Xeer-ilaaliyaha magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan,Maxamed C/qaadir, ayaa kawar bixiyay xaaladda Maxaabiista ku jira Xabsiyada magaalada Beladweyne ee maamulka HirShabeelle.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay iney wanaagsan tahay xaaladda Maxaabiista,ayna Xabiyada ka taliyaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed qeybtooda gobolka Hiiraan.

Maalmo ka hor ayuu sheegay in mar uu hakad galay waxyaabihii alyoomka ahaa ee maalin walba heli jireyn, sababtuna waxa uu ku sheegay in Guddoomiyaha gobolka uu safar Maxaas ah ku maqan yahay,kadibna la xaliyay.

Dadka ku eedeysan dembiyada Al-shabaab iyo kuwa kale ayuu sheegay in aysan isku meel ku xerneen oo la kala saaray, waxa uuna beeniyay wararka sheegaya in hal meel lagu wada xiray, dadka Al-shabaabnimada lagu eedeeyay iyo kuwa dembiyada kale ku eedeysan.