Somali News

Waa sidee saakay xaaladda Muqdisho?

Muqdisho-KNN-Waxaa saakay degan xaaladda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kadib deganaasho la’aan laga dareemay saacadihii la soo dhaafay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dib u furay wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda Muqdisho, kadib markii lagu waabareystay Jimcihii shalay dhamaan wadooyinka magaalada oo xiran.

Dowladda ayaa tallaabadaas uga gol laheyd ka hor tagga banaanbaxii ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kaas oo qorshuhu ahaa in Jimcihii shalay uu ka dhaco taallada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Meelaha qaar waxaa ka dhacay iska hor imaadyo hubeysan, kuwaas oo sababay khasaare nafeed.

Saacadihii u dambeeyey ee maalinkii shalay, xalay ilaa saakay waxaa si caadi ah ku soo noqday dhaq-dhaqaaqii magaalada Muqdisho, waxaana maanta furan wadooyinkii shalay lagu waabareystay iyagoo xiran.

Dowladda federaalka, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay wixii Muqdisho ka dhacay, isagoo eedeynta wixii dhacay dusha ka saaray midowga musharaxiinta.