Uncategorized

Waa sidee Xaalada Abwaanadii Soomaaliyeed ee Hadraawi, Qeys iyo Ganey?

Hargeysa-KNN-Saddex abwaan oo caanka ah bulshada Soomaalida dhexdeeda waxaa ay muddo badan ku noolaayeen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ee deegaanada Somaliland.

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi waxaa uu ku noolyahay magaalada Burco, Halka Cabdiqeys iyo Xasan Ganey ay ku noolyihiin magaalada Hargeysa. Abwaanadan oo  wakhti hore ay ugu dambeysay inay curiyaan heesaha iyo maansada waxaa ay ka cowdaan xanuuno dhinaca ilowshiyaha ah.

Hadraawi waxaa uu muddo u xanuunsanayaa xanuun dhinaca maskaxda oo ilowshiyaha sida ay qaraabadiisu u sheegeen raadiyo Kulmiye, Cabdiqeys waxaa uu isna sidoo kale haya xanuunkaasi lasoo darsay Hadraawi iyo Wadne xanuun.

Xasan Cabdilaahi Xasan Ganey waxaa bishii hore kusoo booday xanuunka faaliga amma dhan qalalka, kaasi oo dalka dibadiisa loo qaaday inkasta oo xaaladiisa caafimaad imika fiicantahay sida ay Kulmiye u sheegeen dadka ehelkiisa.

Maxaa ka jira in Mushaharka Somaliland ka goysay Abwaanada?

Deegaanada Somaliland ka taliso oo ay abwaanadani ku noolyihiin waxaa mushaharooyin looga qoray wasaarada warfaafinta oo ay yihiin shaqaale ka tirsan iyo madaxtooyada, todobaadkan gudihiisa ayaa warbaahinta Somaliland qortay in mushaharkii aan la siin hal abuuradaasi saddex bilood ee u dambeysay oo madaxtooyadu ka jartay.

Cabdi Aadan Xaad (Cabdiqeys) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay inay wararkaasi beenyihiin oo ay ka qaataan madaxtooyada iyo wasaarada warfaafinta Somaliland mushaharooyinka bile ah.

“Mushaharka waxaa nooga qoray madaxweynihii hore, anigaa ka wakiila saaxiibaday Hadraawi iyo Ganey waanu qaadanaa, wararkaasi suuqa lasoo galiyay waa been, waxbana ka jiraan oo anigaa usoo qaada”ayuu yidhi Cabdiqeys.

Caafimaadkooda

Cabdiqeys waxaa uu sheegay inay xanuunsanayaan isaga iyo labada abwaan ee kale, faaligna maskaxda kaga dhacay balse ay caafimaad qabaan oo xaaladoodu fiicantahay, Xasan Ganey Jabuuti ku suganyahay oo xanuunkaasi ka kacay maalmihii u dambeeyay.

“Anigoo salaada ku jira ayaa xanuunka faaligu igu dhuftay, waan iska soo kacnay oo isku mid ayaanu nahay saddexdayaduba”ayuu yidhi Cabdiqeys.

Inkasta oo aanay abwaanadu wada joogin meel kaliya haddana waxaa ay ka tirsan golaha abwaanada Somaliland oo sanadkii hore laga sameeyay Somaliland, waxaa ay inta badan xaliyaan oo ay dhex dhexaadiyaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ee Somaliland marka ay isku qabtaan arrimaha siyaasada.

Wakhtiga

Inta badan abwaanada laguma arko goobaha ay dadku iskugu yimaadaan ee xafladaha waxaana ay ku jiraan cibaado iyo masaajidada oo ay wakhtiga ugu badan ku qaataan xiligan.

Hadraawi waxaa Burco ku daryeela qoyska walaalkii Hurre Walanwal, kaasi oo xaaladiisa si fiican ula socda, labada abwaan ee kalana waxaa ay la noolyihiin caruurtooda.

Saddexdan abwaan waxaa ay ka mid ahaayeen hal-abuuradii ugu wanaagsanaa ee soo marey Suugaanta Soomaalida, wakhtigii dowlada kacaan waxaa ay sameyn jireen riwaayado badan oo siyaasad ku saleysan kuwaasi oo marar badan loogu xidhay Soomaaliya.