Somali News Sports

Waaberi oo guul ku bilow tartanka dagmooyinka G/banaadir

Muqdisho-KNN-Shalay muqdisho waxaa  si rasmi ah uga bilaabmay tartanka kubada cagta dagmooyinka gobolkani Banaadir oo ay ka qayb galayaan dhamaan 17da dagmo gobalka banaadir.

Wasaiirka dhalinyarada iyo isboortiga marwo Khadiijo Maxamad Diiriye ayaana daah furtay tartankan oo sanadkan looga fadhiyo inay dafacdaan dagmada Waaberi oo kan kii ka horeeyay iyadu hanatay.

Shalay waxaa nasiib uyeeshay in lagu daah furo dagmada difaacanaysa tartankan  ee Waaberi iyo dagmada Dharkeenley iyadoo ciyaar qurux badan ay daawadeen taageerayaashii tirada badnaa ee shalay soo xaadiray garoonka tartankan uu ka furmay ee Koonis.

Groupka A ayay kuwada jireen labadani dagmo oo trtanka iyagu lagu daah furayay waqtigii loogu talagalay ciyaarta waxa  ay guushu raacday dagmada waaberi oo 2 gool iyo 0 kaga adkaatay dagmada Dharkeenley.

Labada garoon ee kala ah koonis dagmada C/caziiz iyo garoonka Jaamacadaha ee Dagmada Hodan ayaa lagu ciyaari doonaa kulamada tartankan iyadoo dadyowga xiiseeya kubada cagta ee diyaar u yihiin inay daawadan kulamada tartankan walow dagmo walbo iyadu xiiseenayso inay tartankaan iyadu ku guuleesato.