Uncategorized

Waaberi oo ku guuleysatay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho–KNN–Waxaa Xalay  lagu soo gabagabeeyay garoonka Banaadir ee degmada C/casiisee Magaalada Muqdisho,tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir  oo muddooyinkii dambe si xiiso leh uga soconayey Magaalada Muqdisho.

Tartankan oo ay final-kiisa wada ciyaareen labada degmo ee  Waaberi iyo Hodan, ayaa wareegii 1-aad  ciyaarta waxay ku soo dhamaatay Waaberi 2-0 Hodan.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socoda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Markii la isku soo laabtay ayaa kooxda Waaberi waxay dhalisay koolkii 3-aad, balse daqiiqado kadib ayaa kooxda Hodan la timid 1 goal waxaana gebi ahaanba ciyaartaasi ay ku soo dhamaatay Waaberi 3-1 Hodan.

Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxay soo reebtay Degmada Hilliwaa halka Hodan  ay soo garaacday Kaaraan.

Kooxda kubadda cagta ee Waaberi ayaa Xalay loo caleema saaray horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sanadkii hore tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ku guuleysatay degmada Boondheere, oo ka qaatay Waabari.

Sikastaba 28- Agoosto  2014  ayey aheyd markii degmada Waabari ay finalka la ciyaartay Xamar Weyne,  iyadoo Waabari looga adkaaday 2-0, si lamid ah sanadkii xigay 2015 ayaa waxaa Wabari 1-0 ugu qaaday Boondheere.