Somali News

Waan waan laga dhex-waday RW Rooble iyo Mucaaradka oo guul-dareysatay

Warar ay heshay idacaadda kulmiye ayaa sheeagaya in natiijo la’an ay ku soo dhammaadeen dhex dhexaad laga dhex waday dowladda Soomaaliya iyo xubnaha midowga musharixiinta, taasi oo ku saleysneyd sidii loo baajin lahaa bannaanbaxa looga soo horjeedo dowladda ee loo ballansanyahay maalinta Jimacaha.

Ilo xog ogaal ah oo la hadlay KNN ayaa sheegaya in xubno ergo ka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay kamid yihiin madaxweynaha Galmudug Axmed abdi kaariye  (Qooqoor), Senator Cabdi Qeybdiid ay dedaal u galeen sidii loo kulansiin lahaa Ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha midowga midowga musarxiinta, taasi oo la sheegay in lagu guul-dareystay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku sii darayaan in midowga mushararixiinta ay xubanahan ergada ah hor dhigeen in xukumadda marka hore ay bixiso raali-gelin ku aadan rabshadihii dhacay 19-kii bishaan, kuwaaasi oo lagu hor istaagey bannaanbax ay midowgu soo qabanqaabiyeen. Madaxtooyadda Soomaaliya ayaana ka soo horjeedsatay dalabka musharixiinta.

Ilo ku dhow dhow shirarka labada dhinac loogu kala dab qaadayay ayaa sheegaya in dhanka Ra’iisul Wasaaraha ay wax ka soo dhowaadeen, balse culeyska uu ka yimid dhanka Madaxtooyada.

Shalay ayay aheyd markii wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya uu sheegay in aan la oggoleyn nuuc kasta oo bannaanbax ha ahaado mid dowladda looga soo horjeedo ama mid laga taageerayo.