Somali News

Waan waan lagu sii daynayo Roobow oo socota.

Muqdisho-KNN-Warar hoose oo ay heshay Idaacadda  Kulmiye ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ee maanta la sii deyn doono sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo kamid ahaa musharixiintii u taagneyd qabashada madaxtinimada koon fur galbeed soomaaliya.

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa dowladda soomaaliya ay ka soo xirtay magaalada Baydhabo ee Gobalka bay 13kii bishaan aynu ku guda jirno kadib amar la sheegay inuu kasoo baxay madaxweyne farmaajo.

Mudooyinkaan dambe ayaa dambe ayaa magalaada Muqdisho kulama ku yeelanayay xildhibaannada koon fur gabeed soomaaliya ku matala baarlamaanka soomaliya iyo  siyaasiyiin kuwaasi oo ka arrinsanayay sii deynta sheekh Muqtaar Roobow.

Ilo ku dhow dhow Muqtaar Roobow islamarkaana la shaqeynayay xiliga olelaha doorashada uu kawaday magaalada baydhabo ayaa u xaqiijiyay radio kulmiye in suurta gal ay tahay geli ka dambe ee maanta in lasii daayo sheekh muqtaar roobow.

Balse waxaa suurta gal ah inay wax isbedalaan.