Somali News

Waare oo amarro culus kusoo rogay bulshada Hir-Shabelle si looga hor tago Coronavirus

Jowhar-KNN-Madaxwaynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa soo saaray amarro looga hor tegayo cudurka Coronavirus.

Madaxweyne Waare ayaa amray in la joojiyo qaadka lasoo geliyo deegaanada maamulka Hir-Shabeelle, kaas oo uu sheegay in si dhuumaleysi ah hada lagu soo galiyo caasimadda Jowhar iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Hir-Shabeelle.

“Ciidamada amniga labada gudoomiye gobol waan amarnay in dhaq-dhaqa ka ganacsiga qaadka ay u joojiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan, qaadka si tuuganimo ah baa lagu soo galiyaa Hir-shabeelle, arintaas arin aan xamili karno maaha” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa amray in la joojiyo isu imaatinka goobaha bulshadu ku kulanto, sida maqaayadaha, hoteellada iyo wixii la mid ah, wuxuu bandow habeenkii ah ku soo rogay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka.

Madaxweynaha ayaa dadka reer Hir-Shabeele ugu baaqay in ay sidooda ugu dhaqmaan talooyinka ay bixinayaan hey’adaha caafimaadka.

Hadalka Madaxweyne Waare ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii lasoo dhafay la isla dhex marayey in uu xaniinsan yahay, isaga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas, in kastoo uusan beenin ama rumeyn hadalkaas.

Sidoo kale waxaa shalay cudurka Coronavirus Muqdisho ugu geeriyooday Allaha u naxariiste Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow oo ka tirsanaa golaha wasiirrada ee xukuumadda Madaxweyne Waare, waxaana jirta cabsi badan oo soo wajahday mas’uuliyiintii la kulantay marxuumkaas oo ku xanuunsaday Jowhar.