Somali News

Waare oo ku dhawaaqay xubnaha guddiyada doorashada ku metelaya HirShabeelle

Jowhar-KNN-Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay xubnaha Hir-Shabeelle ku meteya guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo xalinta khilaafaadka.

Xubnahan ayaa lagu magacaabay wareegto ka sopo baxday  xafiiska madaxweyne Waare, waxaana guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ku meteli doona Maxamed Maxamuud Cadow iyo Cabdinaasir Maxamed Guuleed.

Sidoo kale xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka waxaa Hir-Shabeelle ku meteli doona Liibaan Cusmaan Nuur iyo Farxiyo Xassan Cismaan, sida ku cad wareegtadan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.