Somali News

Waare oo la kulmay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada

Madaxweynaha Dowlad gobaledka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Beledweyne kula kulmay, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Hirshabelle iyagoo ka wada wad hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada.

Waxaana Kulanka aad looga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgalinta barnaamijka Xalka Waara Ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha.

Waxa la qorsheeyay dhowaan in la fuliyo mashaariic wax gal ah oo biyaha Looga leexinayo Magaalada Beledweyne, sidoo kalena lagu dhiiqa bixinayo Wabiga Shabelle, iyo dhisida Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif.