Somali News

Waare oo shaaciyey inay soo gaartay lacag uga timid DF oo qaar ay horay u bixisay Jabuuti

Beledweyne-KNN-Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiita Twitter-ka ku xaqiijiyey in dowladda federaalku ay ku wareejisay maanta lacagtaas oo cadadkeedu dhamaa $600,000, taas oo sanadkii hore ay dowladda Jabuuti ugu deeqday in biya xireen loogu sameeyo magaaladan sanadkiiba laba mar biya baxadu ku dhacdo.

Sidoo kale Waare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in lacagta maanta lasoo gaarsiiyey ay ku jirto $500,000 ee dowladda federalku u balan qaaday reer Beledweyne iyo $42,000 oo uga timid guddiga gargaarka heer Qaran, waxuuna cadadka lacagtaas isku noqonayaa 1,142,000 oo dollar.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa afka furtay waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan, kuwaas oo cabsi ka qaba in magaalada mar kale biya harqiyaan, waxayna xukuumadda federaalka ku eedeynayeen in laga la’yahay lacagtii ay ugu yaboohday Beledweyn iyo tii ay ugu deeqeen dowlado ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Somaliland iyo sidoo kale deeqo gacantooda ku soo dhacay gurmad yadii kale ee xilligaas la aas-aasay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay amray wasaaradda maaliyadda inay fududeyso kharashka ku baxaya dadaallada looga hor tegayo in fatahaadi ka dhacdo magaalada Beledweyne.