Somali News

Waare oo sheegay in hada kadib Hir-Shabeelle ay u madax banaantahay Imtixaanka deegaanadeda

Jowhar-KNN-Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta Fagaare ku yaal magaalada Jowhar kula hadlay  Arday dhigaysay banaanbaxyo iyo waaliintood ayaa waxa uu sheegay in wixii hada ka danbeeya maamulkiisa uu masuul ka yahay waxbarashada Ardayda deegaanada Hir-Shabeelle.

Waare ayaa ku amray kormeerayaashii ay Xamar ka dirtay Wasaarada Waxbarashada in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib ugu laabtaan halkii laga soo diray, maadaama ay ku fashilmeen mas’uuliyadii loo igmaday.

Wasaarada Waxbarashada ayuu sheegay  Madaxweyne Waare in aysan ilaa hada falcelin ku aadan isla xisaabtay in aysan ka sameyn wixii dhacay, oo ilaa hada aysan maqlin cid loo soo qabtay Imtixaankii ay masuulka ka eheed ee la musuq maasuqay.

Waxa uu sheegay in la magacaabayo Guddi ka kooban Ardo, waalidiin, maamulka iyo xubno ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada, guddigaas ayuu sheegay Madaxweyne Waare in markii ay kasoo baaraan degaan arintaas ay kala tasha doonaan sida laga yeelayo Imtixaanaadka Dugsiyada Sare ee deegaanada maamulka Hir-Shabeelle.