Somali News

Waare oo xil ka qaadis iyo magacaabis Sameeyay.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii waxaa looga  qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Hirshabeelle Cali Xaaji Cabdulle Isgoowe isagoo mid Cusub u Magacaabay xilkaas.

Sidoo kale wareegtada madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa lagu sheegay in markii loo baahday dar dar gelinta howlaha dag ee horyaalla Wasaaradda in xilka Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Hirshabeelle loo magacaabay Cabduqaadir Abuukar Maxamuud.

Mudooyinkii dambe ayaa madaxweynaha maamulka Hirshabelle uu xilka ka qaadayay xubnaha kulaha wasiirada ee maamulkaasi, isagoona xubno cusub magacaabayay.