Muqdisho-KNN-MadaxweynahaSoomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaba-gabeeyay jiritaankaXabsigii weynaa oo ay laheyd Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka QarankaSoomaaliyeed ee NISA kaas oo loo yaqaano GodkaJilacow.
Godka jilacow ayaa ahaa xabsiga ugu weyn ee NISA waxaana loogu magac daray ninkii ugu darajada Sareeyay ee hay’adda NISA ee sirdoonka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Jilacow.
Xaruntaan ayaa aheyd meel lagu ciqaabo dadka lagu eedeeyo ama lagu tuhmo ku lug-lahaanshiyaha Al-shabaab iyo dambiyada kale, waa meel ay dadka ka aaminsanaayeen iney ka dhacaan mid ka mid ah dambiyada ugu waa-weyn ee maxaabiista loo geesto.
Dadkii ka soo baxay ayaa ku tilmaamay iney aheyd meel ciqaab xun oo qofkii ka soo baxa maskaxiyan Caafimaad darro ka qaado maadaama ay aad u adkeyd ciqaabta ka jirta oo ay geestaan Ciidamada NISA ee Soomaaliya.
Wasiirada amniga iyo Cadaaladda ee Soomaaliya oo ka hadlay xeritaanka xaruntaasi ayaa sheegay iney timid kadib markii shacabka Soomaaliyed ay dalbadeen in la xero, sidoo kale beesha caalamka iyo hay’adaha udooda xaquuqda aadanaha ayaa ka deyriyay xaruntaan.
Hada waxaa loo badalay Xarunta Akadeemiyadda ee jilacow waxaana lagu tababari doona Ciidamada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya.
Xubnaha wasiirada ah ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya maxaabiista la geyn doono Xabsiyada Booliiska iyo Xabsiga dhexe ee Xamar.