Uncategorized

Wabiga Shabeele oo ku fatahay deegaano ka mid ah gobolka Sh/Hoose

Afgooye-KNN-Deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ku fatahay Wabiga Shabeele iyadoono deegaano kalana laga cabsi qabo in uu ku fataho Wabiga Shabeele.

Deegaanada fatahaada uu ka sameeyay Wabiga Shabeele ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka mid ah deegaanada Awdhiigle iyo Mubaarak.

Fatahaadaan ayaa la sheegay in ay baabi`iyeen dalagyadii Beeraha sidoo kale ay gudaha u galeyn xaafado ka mid ah deegaanadaasi taas  oo saameysay nolosha boqolaal qoys oo hadda ka barakacaya xaafadihii ay degnaayeen.

Waxaa sidoo kale hadda jira cabsi xoogan oo soo wajaheysa dadka ku nool deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo ka baqdin qabo in uu ku fataho Wabiga Shabeele.